Wasiir Goodax waxaa jiro rag leexsaday raashiinkii loo diray Gobalada

241

wasWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre oo su’aalo uga jawaabayay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay inay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda lunsaday raashin gar gaar.

Goodax ayaa sheegay in dowladda ay joojisay gar gaarkii ay u diri laheyd degmooyinka, kadib markii ay ku aamini waayeen mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka, kadib markii ay dhacday marar badan in sidii loogu tala galay aan loo gaarsiin dadka dan yarta ah.

Waxaa jira dad mas’uuliyiin ahaa oo lunsaday raashinkii gar gaarka, waxaa dhacday raashin gar gaar loo diray Bay iyo Bakool, in badan ayaa la leexsaday, dowladda waa ka soo celisay waxaa loo diray Shabeelaha Dhexe oo ay ka jirtay xaalado bani’aadanimo”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa weydiistay Xildhibaanada hadii uu jiro cid ay ku aamini karaan oo qaadaya mas’uuliyada raashinkaas inuu deegaankiisa gaarsiiyo, ay ku wareejinayaan, isla markaana lagula xisaabtamayo.

Marar badan ayaa waxaa jiray eedeymo loo jeediyay Mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka oo ku aadan in raashin gar gaar loogu tala galay deegaanadooda inay lunsadeen, taasna ay keentay in dowladda ay joojiso gar gaarkii la gaarsiinayay dadka dan yarta, maadaama sidii loogu tala galay aanay u gaareyn.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa lagu wadaa in maalintii 3aad uu hortago Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo, waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka ay maalmihii u dambeeyay su’aalo weydiinayeen Wasiirka Amniga Qaranka.

www.xaqiiqa.com