Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

432

Astaanta-1

Wararka aan ka helayno agagaarka Madaxtooyada Soomaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa ay sheegayaan in goordhow halkaasi lagu dilay wasiir ka tirsan xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Xaqiiqa Times u xaqiijiyay in wasiirka caawa la dilay uu yahay wasiirka howlaha guud ee Guriyiinta ee xukuumadda Soomaliya, waxaana lagu dilay meel aan ka fogayn madaxtooyada Soomaliya.

ilaa iyo hadda faahfaahin dheeraad lagama hayo qaabka loo dilay iyo sababta loo dilay wasiirka hase ahaatee wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in wasiirka ay toogteen ilaalo ka tirsan ilaalada Hanti dhowraha guud ee Soomaaliya ka dib markii sida la sheegay ay ka shakiyeen

Wixii faahfaahin oo dheeraad ah goor dhow ka filo Xaqiiqa Times