Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Carabta oo ku shiraya Qaahira

191

Arab_League_summit_Flag_2010

Wasiirada arrimaha dibadda dalalka  ku bohoobay jaamacadda carabta ayaa kullan ku yeelanaya magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar  Halkaasoo ay uga arrinsanayaan dhowr arrimood oo sida la sheegay  oo ay ka mid yihiin go’aanka mareykanka uu  ku sheegay in safaaraddiisa Israaiil ugu rarayo magaaladda Barakaysan ee  Quddus.

Shirkaan oo ah mid sanad walba la qabto waxaa kaloo ku jirra arimaha loo wadahadlayo xaalada wadamada Suuriya, Liibiya iyo Yemen.

Wadamada ku jirra jaamacada carabta ayaa arimaha qaar aanan ka midaysnayn siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba.

Wadanka yemen oo dowlada Sacuudiga ay ka wada dagaal ay hogaaminayso ayaa isna ah lafdhabar weyn oo shirkan looga hadli doono.

Xaalka dalka Suuriya ayaa isna ah mid u qodobaysan kulankan jaamacada Carabta ee magaalada Qaahira ka dhacaya

Madaxweynaha dalka Maraykanka  Donald Trump ayaa horey u sheegay in safaaradda Mareykanka ee Israaiil uu geyn doono Quddus arrintaasoo ay cambaareeyeen Falastiyiniinta iyo waddamo kale oo caalamka ka tirsan.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson uu booqanayo israa’iil iyo Falastiin.