Wasiiradda arrimaha dibadda Eritereeya iyo Itoobiya oo maanta soo gaaray Muqdisho

139

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Eritereeya iyo Itoobiya  ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Waxa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee Aden Abdulle wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wafdiga ay hoggaaminayaan Wasiiradda arrimaha dibadda Eritereeya iyo Itoobiya ayaa ayaa la fiyalayaa in ay la kulmaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa saaka la xiray dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo  dadka iyo gadiidka dadweynahaba loo diiday in ay isticmaalaan waddooyinka Makkahh almukara iyo kuwa kale ee muhiimka ah.