Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ee soo aadan ee ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, ayaa waxaa ku soo baxay Xubno ka dhex muuqday Dowladda haatan jirta
Faarax Sheekh C/qaadir ayaa noqday Xildhibaan, kadib markii uu ka guuleystay Cismaan Maxamed Axmed iyo Ilyaas Maxamed C/kariin.
Xubnaha guuleystay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Wasiirka Amniga gudaja ee xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed.
Xildhibaaninimada deeganada Hirshabelle ee Aqalka Hoose ayaa waxaa sidoo kale ku guuleystay Maxamed C/laahi Sanbaloolshe, Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Turkiga.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ayadu noqotay xildhibaankii ugu horeeyay ee Aqalka Hoose ee matala maamulka Hirshabelle
Doorashada ayaa weli ka socota Magaalada Jowhar, iyadoo Qorshaha uu yahay in 13 Xubnood Wajiga koowaad ee Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Hirshabelle lagu doorto.