Wasiirka Arimaha Dibadda oo WFP kala Hadlay Arrimaha Cunta Yarida

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Dr. Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Agaasimaha Barnaamijka CuntadaAdduunka ( WFP) u qaabilsan Soomaaliya Laurent Bukera oo ay ka wada hadleen xaaladda cunta yari ee heysata barakacayaasha iyo dib u dejin loo sameeyo Dadka saameyntu ku yeelatay colaadaha sokeeye ee ku nool xerooyinka barakac ayaasha iyo Dadkii dahwaan ku barakacay dagaalkii Guriceel.
Dr. Cabdisalaam Hadliye ayaa muujiyay in xilliga lagu jiraa uu yahaq waqtigii jiilaalka sidaasi darteedna ay muhiimtahay in Dadku helaan caawinaad xilli ku haboon si aysan u imaan gab keeni karta khatar badan.
Laurent Bukera ayaa sheegay in aysan marna fiirsandoonin dhibaatada jirta gacanweyna ka gaysandoonaa arimaha taagan dhanka cuntada sarkaalkan Soomalaiya u qaabilsan WFO ayaa sidoo kale waxa uu sheegay oin ay isha ku hayndoonaan meelaha ay kajiraan cumma yarida.