Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo Talyaaniga uga qeyb galay shir caalami ah

208

Wasiirka Arrimaha Dibabadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga, Paolo Gentiloni.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa taareerada ay Dowladda Talyaanigu siiso Soomaaliya.

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa ka mahadceliyay casuumaadda ay u fidiyeen Madaxda dalka Talyaaniga iyo soo dhaweynta diirran oo ay u sameeyeen masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga iyo Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Roma uu horkacayo Danjire Muuse Xasan Cabdulle.

Sidoo kale, Wasiira Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa ka qeyb galay shir heer caalami ah oo diiradda lagu saarayay sidii loo xakameyn lahaa qatarta ay la kulmaan dadka soo galootiga ah ee ka yimaada dalal ka mid ah qaaradda Africa, kuwaas oo doonaya inay galaan qaaradda Yurub, waxaana shirkaasi soo qaban qaabiyay Ururuka Midowga Yurub.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Jaaliyada Soomaalida ee ku nool Talyaaniga, isagoo kala hadli doona arrimo la xiriira Soomaaliya iyo sidii ay dalka dib ugu soo laaban lahaayeen.