Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xadka Kenya ay la wadaagto B/xaawo

168

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda federalka ah ee  Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo wafdi uu horkacayo  ayaa gaaray degmada Doolow ee Gobalka Gedo.

Wafadiga wasiirka shalay galankii dambe sidoo kale  tagay magaalada Beled-xaawo ee gobalka Gedo iyaga oo booqday xadka  kala qaybiya Soomaaliya iyo Kenya  iyo goobaha la sheegay inay ku soo xad-gudbtay dowladda Kenya.

Wasiir Juxa  wafdigiisa oo  booqday  xadka ayaa waxaa   ka mid ayaa  dad khubaro ah oo Ku  xeer-dheer arimaha xadka.

Wafdiga  ayaa sidoo kale waxaa ay  dhageysteen dadka reer Beled-xaawo kuwaas oo Juxa uga war-bixiyay sida ay wax u jiraan.

Intaasi ka dib wafdiga wasiirka arrimaha Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay galankii dambe dib ugu soo laabtay degmada Doolow.

Shalay ayey aheyd markii golaha shacabka soo saareen qodobo muhiim u ahaa arrimaha xadka.

Guddiga waxaa uu arkey in xiriir ha ujeeda ah uu ka dhaxeeyo soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Balad Xaawo ay u soo galeen arrimo la xiriira dariga iyo muranka badda.

Guddiga waxaa uu cambaareeyay isku-day dhul boob oo ay wadaan Kenyaaka.

Guddiga waxaa uu boggaadiyay shacabka Beled-xaawo oo si geesinnimo leh uga hortagay taangiyada Kenya.

Xukuumadda waxaa loogu baaqay in ka bixiso jawaab mas’uuliyeed , loona diro guddi wasiirro ah iyo goleyaasha baarlamaanka.

Guddiga waxaa ay arrinta Beled-xaawo u qabteen guddi ka kooban 5 xubnood  oo la socon-doona xaalada Beled-xaawo.