Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku guulaystay kursiga Aqalka Hoose

268

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka  ah ee Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa),  ayaa maanta oo Khamiis ah ku guuleystay kursiga Baarlamaanka, kadib Doorasho  ka dhacday Cadaado oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug.

Wasiir Odowaa oo la tartamayay Eng. Dhega Cadde ayaa helay 46 cod, halka Eng. Dhega Cadde uu helay 5 cod.

Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa lagu doortay 2 daasi kursi oo kaliya, waxaana kursigii koowaad ku guuleystay C/qaadir Gaafow Maxamuud, oo ay walaalo yihiin Taliyaha  Hay,adsa Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

Doorashada ayaa maanta ku dhacday jawi nabdoon ka dib murankii shalay ka dhacay doorashada taasi oo sababtay in la dilo mid ka mid ah Ergada doorashooyinka.