Wasiirka Cafimaadka oo Gaartay Magaalada Jowhar

Photo/Jowhar

 

Photo/Jowhar
Photo/Jowhar

 

 

 

Wasiirka Cafimaadka Dowladda Soomaaliya marwo Xaawo  Maxamed Xasan oo ay wehliyaan xubno ka socday Hey’adda Qatar Charity ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Wasiirada iyo xubnaha ka socday Hey’adda Qatar Charity ayaa ujeedka safarkoodu yahay u guur galidda xalaadaha cafimaad ee Gobolka ka jira. Waxaa ku soo dhaweeyay markii ay ka dageen magaalada Jowhar Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Cali Guudlawe Xuseen iyo masuuliyiin kale.

Wafdigaan ay Hogaaminayso wasiirka Cafimaadka Marwo Xaawo ayaaa kulamo la qaadan doono masuuliyiinta Gobolka Sh/Dhexe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Jowhar.