Wasiirka Gaashaandhiga oo Booqday Dadkii Ka Barakacay Colaaddii Guriceel.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Janaraal Cabdulqaadir Sh Cali Diini ayaa Socdaal uu ku tagay deegaannada Miyiga ah e eay ku barakaceen dadkii ka qaxay dagaalkii dhawaan ka dhacay Guriceel si uu u arko duruufaha nolashooda.

 

Wasiirka ayaa gacan qaaday dadkii ku sugnaa geedaha hoostooda ee colaadda  ay ka saartay guryahooda kuwaasi oo xilligan ku dayacan dhul bannaan Guriceel.

 

Janaraal Diini ayaa u sheegay Dadkii uu deegaanka ugu tagay in xukuumadda ay ka war hayso,  ayna diyaar u tahay sidii loogu celin lahaa guryahooda uu dagaalka ka soo saaray. Waxa uu sidoo kale uu sheegay in xilligan xaalku yahay mid deggan, rajaduna ay wanaagsantahay.

 

Wasiirka ayaa intii uu deegaanka joogay waxa uu la sheekaystay carruurta oo waxa uu u dhigay casharkii ay qaadanyeen oo sabuurad loogu dhigay carruurta.

diini4diiini5