Wasiirka Gaashaandhigga oo La Kulmay Odayaasha Dhaqanka Caabudwaaq

Photo/Jowhar

 

Photo/Jowhar
Photo/Jowhar

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini oo muddooyinkaan ku sugnaa degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta kulan kula qaatay degmadaas Odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan asagoo kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin nabadeynta iyo sida ay uga qeyb qaadan lahayeen Maamulka loo samaynayo Gobollada Dhexe.

Wasiirka ayaa u sheegay Odayaasha dhaqanka ee uu kulanka la yeeshay sida ay muhiim u tahay inay kaalin mugleh ka ciyaaraan dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshadda ku nool deegaannada gobollada Dhexe iyo sidii ay u yeelan lahayeen maamul laysku raacsan yahay oo ay yeeshaan.

Waxa uu sheegay in taariikh ahaaan Odayaasha dhanku waligood ahaan jireen kuwa door muhiim ah ka qaata arrimaha nabadeynta iyo xal u helida arrimaha ka dhex dhaca bulshada hadana looga baahan yahay inay qeyb ka noqdaan dadaaladda iyo shirarka laysugu soo dhaweynayo bulshada.

kulanka kaddib ayaaa Odayaasha dhaqanka Wasiirka iyo wafdiga la socday  u xaqiijiyay inay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta beelaha gobollada dhexe si looga gudbo waxyabaha keenaya kala qoqobnaanta bulshada.

Wasiirka iyo wafdiga la socda ayaa u jogaa deegaannada Gobollada dhexe arrimo la xiriira nabadeynta iyo is dhexgalka bulshada ku nool deegnadaasi.

Dhanka kale, waxaan wali xal laga gaarin goobta lagu qabanayo Shirka Maamul u Samaynta Gobollada Dhexe iyo halka Caasimad u noqonaysa