Wasiirka Gaashaandhigga oo shir gudoomiyey shir ka dhacay Burundi

214

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo booqasho ku jooga dalka Burundi ayaa shir guddoomiyey Shirka sanad laha ah ee Dalalka ku bahoobay Ciidamadda Birmadka geeska Afrika.

Wasiirka oo shirka khudbad ka jeediyey ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid yihiin sidii xasilooni loogu soo dabbaali lahaa dalalka  ku yaala Bariga Afrika ee ay ka jiraan dhibaatooyin dhanka Ammaanka ah.

Waxaa uu xusay in muhiimad ay leedahay in Madaxda Ururkaasi ay u midoobaan sidii loo xoojin lahaa la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

received_782496388558253received_782496405224918received_782496585224900received_782496588558233received_782496835224875