Wasiirka Maaliyadda oo looga guulaystay Tartanka Aqalka Hoose

246

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti ayaa looga adkaaday doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka soconaysaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, taasi oo soconaysa maalintii seddexaad oo xiriir ah.

Wasiir Farkeeti ayaa waxaa la tartamayay Maxamud macalin yaxye iyo c/lahi xamud Maxamed waxaa guulaystay maxamud macalin yaxye.

Doorashada ayaa wareegii koowaad la ismari waayay taasi oo keentay in wareeg labaad la qabto.

Maxamed Adan Ibrahim Ferkeeti waxaa looga guulaystay hal cod oo Kali ah.

Farkeeti ayaa helay 25 cod halka Maxmuud Maclin Yaxye uu helay 26 cod.