Saturday, January 23, 2021
Home Wararka Maanta Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo dhiggiisa Qadar kula kulmay magaalada Dooxa (Sawiro)

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo dhiggiisa Qadar kula kulmay magaalada Dooxa (Sawiro)

214

 

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya,  Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaaladda Doha ee caasimadda dalka Qadar, ayaa la  kulmay dhiggiisa dalkaasi Cali Shariif Al-Emadi.

Labada wasiir ayaa lagu waramay inay  ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.

Wasiirka, ayaa sheegay in dhigiisa uu kala hadlay qodobo ay kamid yihiin Xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Qadar ka dhaxeeya, isaggoo xusay in Dalka Qadar uu uga qeyb galay Shirka Wasiiradda Dalalka Islaamka oo magaaladda Doha lagu qabtay.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulankan Ku xaqiijiyay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Maanta waxaan la kulmey dhigeyga Wasiirka Maaliyadda Dalka Qadar Mudane Ali Shareef Al – Emadi oo aan ka Wada hadalney xiriirka walaalnimo ee Somalia iyo Qatar dhinaca kale waxaan ka Wada qeyb gelnay shirka wasiirada Islaamka ee lagu qabtey Doha” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dowladda Qadar, oo ah dal qani Ku ah Gaaska Dabiiciga ah ayaa saaxiib dhow la ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.