Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Maanta Xilka Wasaaradda lawareegay.

217

Munaasabada Xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali, Xubno katirsan Labada Golle ee Dowlada Soomaaliya, agaasimayaal iyo qaar kamida howlwadeenada Wasaaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.
Munaasabadda xil wareejinta ayaana goobjoog ka ahayn wasiirkii hore eeWarfaafinta Mudane Mustaf Sh Cali Dhuxulow,waxaana xilka wareejiyay ku xigeenkiisii hore ee Wasaaradda Warfaafinta SCabdulaahi Colaad Rooble ,oo asaga wakiil ka ahaa Wasiir Mustaf,waxa uuna si arsmi ah xilka ugu wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdi Xayer Maareeye.

Maxamed Cabdi Xayer Maareeye Wasiirka Cusub ee Warfaafinta ayaa munaasabadda ka sheegay in uu ku dadaali doono horumarinta wasaaradda siina xoojindoono doorka ay ku leedahay Dalka,Waxaa uu intaasi ku daray in uu dareesanyahay ahmiyadda ay leedahay xuquuqda sahqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Waxaa Munaasabada soo xiray Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke , waxa uuna ammaan iyo boggaadin u soo jeediyey shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo wax badan uga duwan Shaqaalaha kale ee Dowwladda,waxa uuna ballan qaaday in ahmiyad weyn la siin doono wasaaradda si loo soo saaro door ka ay ku leedahay Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya u degan.aaaaa