Wasiirki hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya oo warbixin ka bixiyay xaalada Milateriga Soomaaliya

235

Wasiirki hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Mudane Cabdi xakiim Xaaji Fiqhi oo socdaal ku maraya Dalalka Mareykanka iyo Canada, ayaa waxa uu Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalkaas uga warbixiyay xaalada dhabta ah ee ay kusugan yihiin xiligaan ciidamada xooga Soomaaliyeed.

Wasiirki hore ee Gaashaandhiga ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamada Qaranka Soomaaliya ay yihiin dadka ugu wadaniyadsan ummada Soomaaliyeed, inkastoo aysan haysan buu yiri daryeel buuxo kaas oo ay xaq u lahaayeen.

Mar uu ka hadlayay tababarka ciidamada Soomaaliya ay leeyhiin iyo heerka uu gaarsiisan yahay ayaa waxa uu xusay in ay heestan tababar aad u sareeyo, ciidamada Soomaaliyeedna uu yiri lagu tababaro gudaha Soomaaliya ayna tababarka bixiyaan Saraakiiil Soomaali ah, halka markii hore dalal kale loogu qaadi jiray oo ay bixi jireen dad ajnabi ah.

Mudane Fiqhi ayaa intaa waxa uu kudaray in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay qeyb ka geestaan in ciidamada xooga dalka Soomaaliya laga horumariyo dhinacyada nolosha, caafimadka iyo saanadaha milatariga si ammniga dalka wax weyn iskaka badalo ayuu yiri, Isaga oo intaas raaciyay hadalkiisa hadii loo baahan yahay dalku inuu hagaago.

Sidoo kale, mudane Fiqhi ayaa ku macneeyay hadii la taageero xooga dalka Soomaaliya in ay qeyb ka geysaneyso dib udhiska qaranimada iyo hagaagista dhinaca ammniga maadaama ay yihiin ciidamada Soomaaliyeed gaasiyaal wadaniyiin jecel wadankooda diyaarna u ah in ay wax badan ka badalaan xaalada ammaanka ee dalka.

Mudane Fiqhi mar wax laga weydiiyay xiligii uu hayay wasaarada Gaashaandhiga iyo hada in ay jiraan wax is badal ah oo ku yimid ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in isbadal aad u balaaran uu jiro sida xaalada ammaanka guud ahaan dalka.

isaga oo ku tiiqtiiqsaday in ciidamada xooga Soomaaliya la arkay wax qabadkooda xiliyadii weerarka ay soo qaadeen kooxda Alshabaab sida weerarki Maxkamada sare, weerarki Madaxtooyada iyo kii ugu danbeeyay ee xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu danbeyn, Socdaalka iyo warbixinta wasiirki hore ee wasaarada Gaashaandhiga ayaa waxaa la filayaa in uu soo hooyo taageero balaaran oo qurba joogta Soomaaliyeed u fidiyaan ciidamada qaranka ee Soomaaliya.

Kala soco warar muhiim ah websiteka xaqiiqa.com

Www.xaqiiqa.com