Wasiirkii dagaalka Daacish oo la dilay

393

isis-toyota

Hoggaamiyihii labaad ee Kooxda isugu yeerta dowladda Islaamiga ama Daacish ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday galbeedka dalka Ciraaq.

Ayad al-Jumaili ayaa la sheegay in lagu dilay meel ku dhow degmada Al-Qaim oo ku dhow xuduuda Suuriya, sida uu xaqiijiyay Telefishinka Qaranka dalka  Ciraaq.

Diyaaradaha dagaalka Ciraaq ayaa la sheegay inay fuliyeen howl galka, inkastoo aan si rasmi loo ogeyn taariikhda uu dhacay weerarkaas.

Waxaa uu caan ku ahaa magaca Abu Yahya, waxaana uu ahaa  Wasiirka dagaalka,Dowladda Khilaafada Islaamka la baxday  waxaa la sheegay in horay u ahaa madax Amniga Gudaha ee Kooxda Daacish.

Isbaheysiga uu hoggaaminayo Mareykanka ayaa sheegay inuu wali xaqiijin warkan sheegaya in la dilay Al-Jumaili.

Ninkan ayaa horay inta uusan ku biirin Kooxda Daacish waxaa uu ka mid ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Sirdoonka Ciraaq, illaa markii xukunka laga tuurayay Saddaam Xuseen sanadkii 2003-dii.