Wasiirkii Labaad ee Xukuumadda Siilaanyo Oo Iscasilay.

Dhawaan ayaa Madaxweyanaha Mamaulka Soomalailand  Axmed Maxmaed Maxmauud Siilaanyo,waxa uu isku shaandhayn balaaran ku sameeyay Golaha Wasiirada  iyo Hya’ado Madax banaan,kadib wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyanah Soomaaliland.

Isku shaandhayntan oo ahayd mid aad u saamaysay wasiiro badan  iyo madaxda ciidamada Soomaaliland  taasi oo ahayd iskbedelkee ugu weynaa ee uu sameeyo Madaxweyne Siilaanyo.

Hadda waxaa issi soo taraya wasiirada iska casillaya xilalka loo magacaabay kuwaasi oo aan ku qanacsanayn xilalka loo magacaabay waxaana hadda iscasilay Abiib Diiriye Nuur (Timacade) oo ahaa wasiirka Warshadaha horayna u ahaa wasiirkii Maaliyadda ee Mamaulkaasi.

Horay waxaa isku casilay wasiirka waxbaarshada Cabdicasiis Samaale oo sheegay in aan lagala tashan xilka loo magacaabay

Wasiir Abiib ayaasheegay in uu ku jaha wareeray Xisbiga talada haye ee Kulmiye oo uu ku sheegay mid taladiisu ay badatay taasina ay keentay in uu iscasilo.