Wasiiro ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo Su’aallo laga waydiyay Heshiiska Dekadda Berbera

222

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Somaliland ayaa maanta waxaa hortagay Wasiiro ka tirsan Somaliland, kuwaa soo dhawaan heshiis lasoo galay Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirradda hortagay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo sidoo kale Wasiirka Ganacsiga.

Xildhibaanada Somaliland ayaa labada Wasiir Su’aallo ka weydiiyay heshiiskii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta ee ku aadana Heshiiska Berbera.

Wasiirada oo ka jawaabayay Su’aallaha la weydiiyay waxa ay sheegeen in Heshiiskaasi uu ahaa mid Sare u qaadaya dhaqaallaha iyo maalgashiga Somaliland.

Waxaa sidoo kale waxa laga weydiiya arinta ku saabsan hadalkii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee ahaa in uu sharci daro ahaa Heshiiskii Berbera.

Waxaana ay sheegeen in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka khuseynin Dekedda Berbera, islamarkaana Arinta Berbera ay u taallo Somaliland, Shirkadda DP World iyo Itoobiya.