Danjiraha Norway ee Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga laga Gudoomay

332

Mugadishu, Arbaco, Maarso 18, 2015 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Khaalid  Cumar Cali  ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Boqortooyada Norway u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Victor Conrad Ronneberg .

Mudane Khaalid ,ayaa kulan la qaatay Safiirka cusub kadib isagoo ka sheekeeyay horumarka ballaaran ee uu gaaray xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka iskaashi ee labada dal ka dhaxeeya . Danjire Victor Conrad Rønneberg ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Børge Brende, isagoo xusay muhiimadda ballaaran ee dalkiisu ugu fadhiyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Boqortooyada Norway uu si rasmi ah u bilowday July 05,1960. Dowladda Norway ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, waxa ayna kaalin muuqata ku leedahay taageeridda howlaha loogu saldhigayo nabadda iyo deganaanshaha dalka Soomaaliya.