Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada oo ku guulaystay Aqalka Hoose

203

Mahad Maxamed Salaad oo ah Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta  ku guuleystay kursiga Baarlamaanka Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Galmdug, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Cadaado.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa helay codad gaaraya 40 cod, sida Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaasi uu shaaciyay.

Wasiir Mahad ayaa  ka mid noqday Xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deeganada Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Qaasim Maxamed Jaamac ayaa ku guuleystay inuu  helo xidlhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Galmudug, waxaana uu qaab gacan taag ah uu ku helay codad gaaraya 51, kadib markii uu tanaasulay shaqsigii la tartamayay.

Ugu dambeyntii Kursiga Koowaad ee xidlhibaanada Aqalka Hoose ee Maamulka Galmdug waxaa ku soo baxay Ganacsade Siciid Nuur Qayliye oo helay 51 cod.