Wax Ka Agow Dalalka Mareykanka uu Taageero hadana diiday inay taageeraan go’aankii Trump

218

Dowladaha Caalamka Islaamka ayaa dhowaan dhagaha  ka xirtay hanjabaad kasoo yeertay dowladda Maraykanka.

Hanjbaadda ayaa waxaa ay ahayd in Maraykanka uu lacagaha uu Ku taageero uu ka goosan doono dowladdii ka hor timaaddo go’aankii Trump uu u aqoonsaday Caasimadda Israel inay tahay magaalada Qudus.

Haddaba hoos ka akhriso dowladaha hanjabaadasi dhagaha ka xirtay.

Ciraaq: Waxaa ay ka mid tahay dowladaha Carbeed ee ugu horreeya ee Mareykanka ka hela kaalmooyiinka, waxay heshay 5.28 bilyan, boqolkiiba 89% waxaa loo qoondeeyay dhanka milatariga.

Faahfaahinno kale, Ciraaq waxay heshay $4.8 Bilyan oo looga taageeray dhinacyada amniga iyo milatariga, $369 Milyan, waxay ku heshay dhanka gargaarka bani’aadanimada $86 Milyan ka mida waxay u qoondeesay dhanka gargaarka cuntada, halka ay ku heshay dhanka biilka maamulka kaalmo dhan $10 milyan.

2 . Masar: waxay heshay $1.23 Bilyan, 89% waxay loo qoondeeyay dhanka milatariga halka 11% loo qoondeeyay dhinacyada kale ee horumarinta.

Sida la faahfaahiyey, ku dhawaad $1.1 Bilyan waxaa loo qoondeeyay dhanka amniga iyo milatariga balse kaalmooyinka lagu bixiyey dhinacyada waxbarashada madhaafayo $37 milyan,  Bani’aadanimada waa 26 milyan, halka uu gaarayo taageerada loo qoondeeyay kobacaha dhaqaalaha $45 milyan.

3 . Urdun: waxay heshay $1.21 bilyan oo iskugu jirta horumarinta iyo dhinacyada amniga iyo milatariga.

Kaalmadii ugu muhiimsaneed oo ay hesho sanadkaan waxaa uu gaarayaa ee dhinacyada amniga iyo milatariga $510 malaayiin ah miisaaniyadda guud waxay ku heshay $213 milyan, $188 milyan waxay ku heshay dhanka gargaarka bani’aadanimada,  $82 milyan waxay ku heshay waxbarashada,  $60 milyan ay ku heshay dhanka caafimaadka.

4 . Suuriya: waxay heshay kaalmo dhan $916.4 milyan, balse Washinton waxay ugu talo gashay $94 milyan dhanka amniga.

Waxaa lagu qiyaasaa kaalmooyinka bani’aadanimo oo ay heshay Suuriya $471 milyan,   $320 waxay ku heshay dhanka dhanka cuntooyinka degdegga ah,  $20 milyan waxay ku heshay barnaamijyo kale oo gargaar $1.8 milyan waxay ku heshay ka qeyb qaadashada dimuquraadiyadda iyo bulshada rayidka ah.

5 . Falastiin : daanta galbeed iyo Gaza $416.7 milyan oo dhammaan lagu taageerayay dhanka horumarinta in kastoo ay jiraan,  $18 milyan oo lagu taageeray amniga  washinton ayaa sheegtay in 18 milyan loo qoondeeyay dhanka dhisidda nabad-galyada rayidka.

$133 Million Dollar waxaa loo qoondeeyay baahiyooyinka gargaarka degdegga ah, $86 million waxaa loo qoondeeyay adeegyada bulshada, $11 million waxaa loo qoondeeyay xukuumadda iyo ururada bulshada rayidka.

6 . Lubnaan: waxay kaalmo u heshay $416.5 Million, 81% waxaa loogu talo galay dhanka horumarinta, $249 million waxaa loogu talo galay adeegyada gargaarka bani’aadanimada, $75 million waxaa loogu talo galay hagaajinta amniga, $12 million waxaa loogu talo galay la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya, $9.2 million waxaa loogu talo galay xukuumadda iyo ururada bulshada rayidka ka qeyb-qaadashada dimuquraadiyada iyo horumarinta sharciga.

7 . Yeman: taageerada ay ka hesho Mareykanka waxay gaareysaa$305 million intiisa badan waxaa uu ku wajahnaa dhanka gargaarka, $294 million loo qoondeeyay dhanka taageerada xukuumadda iyo bulshada rayidka taageerada Yeman ee Mareykanka ma dhaafeyso $3.7 millin.

Soomaaliya: Waxaa ay ka heshay Mareykanka taageero dhan $274.7 million, $174 million waxaa loo qoondeeyay dhanka gargaarka, $43 million oo kale loo qoondeeyay howlgallada amniga.
Taageerada Soomaaliya ay ka hesho mareykanka ayaa ahaa mid aan joogto aheyd sanadkii 2012 waxaa uu gaaray taageerada mareykanka Soomaaliya uu u fidiyo $469 million.

9 . Suudaan: Suudaan waxay heshay gargaar dhan $137.8 million, $125 waxaa loo qoondeeyay howlaha gargaarka iyo mucaawinooyinka .

Taageerada mareykanka uu siiyo Suuudaan ayaa aad u hooseesay sababo la xiriira cunnu-qabateyn saarneed owgeed .

10 Tunizia: Waxaa ay heshay kaalmo dhan $117.4 million, 79% waxaa lagu bixiyey dhanka millatariga inta soo hartay waxaa lagu bixiyey dhancyada horumarinta.

11 . Moroco:  waxay heshay kaalmo dhan $82 million,