Waxaa issi soo taraya Baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo dhinacyada ku dagaalaya Guriceel

249

Xaalad deganaansho ah ayaa laga soo sheegayaa saakay deegaanka Guriceel ee Gobolka Galgaduud ,oo shalay dagaalo ku dhaxmareen ciidamada Dowladda Soomalaiya iyo Ahlusna Waljameeca.

Goobihii Dagaalka uu ka dhacay ayay Dadku ka barakaceen iyaga oo aaday deegaanada asyan colaadda kajirin si ay kaga bad baadaan dagaalka dhinacyada u dhaxeeya,waxaa kaloo jira Dad aysan u suura gelin in ay ka baxaan deegaanka colaadda ka jirta xilligan.

Odayaasha dhaqanka,Waxgaradka,Bulshada rayadka iyi siyaasiinta ayaa ugu yeeray dhainacyadu in ay joojiyaan dagaalka ayna u turaan Dadka shacabka ah ee ku dhaqan Gobolka.

Sidoo kale wax gaardka kusugan Dhuusa Mareeb ee uu kaga socda shirka dib u hishisiinta ayaa ugu yeeray labada dhanac in si sharuud la’aan ah ay ku joojiyaan dagaalka ayna ku soo biiraan go’gosha shirka nabadda Dhuusa-Mareeb taal si loo dhameeyo wixii jira loona gaaro xal waara ee deegaanka ah.