Waziirka Arimaha Gudaha Oo Manta Looga Fadhiyo Inuu Barlamaanka Horyimaado

353

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maanta hortago golaha baarlamaanka Soomaaliyeed kadib markii kulan shalay uu yeeshay baarlamaanka uu ka codsaday wasiirka inuu horyimaado.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdala Cawad ayaa fadhigii baarlamaanka ee shalay uu yeeshay wuxuu ka sheegay in wasiirka ladoonayo inuu ka jawaabo su’aalo ku aadan magacaabista maamulada degmooyinka iyo gobalada dalka.

Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa waxaa aaminsan yihiin in wasiirku uusan tixgelin sharci hore uu baarlamaanku u ansixiyay kaasoo ku saabsanaa habka loo marayo magacaabista maamulada degmooyinka iyo gobalada dalka.

Mahad Cabdala Cawad, ayaa sheegay in wasiirka uu imaanayo, lana weydiinayo su’aalo ku aadan sharcigii baarlamaanka ay meelmariyeen iyo digreetada uu maamulada ku magacaabay halka ay iska waafaqsan yihiin.

Dhowaan ayuu wasiirka arrimaha gudaha magacaabay guddoomiyaha degmada Afgooye kadib markii uu xilka ka qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaas.