Weerar dhanka internet-ka ah oo lagu qaaday mas’uuliyiin ka tirsan dalalka Baxrayn iyo Imaaraadka

245

 

cyberattack_1Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Baxrayn ayaa lagu soo waramayaa in akanka Twitter ka uu Ku leeyahay lagu qaaday weerar dhanka internet ka ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Bahreyn ayaa Saxaafadda u sheegay in dalkaasi lagu soo qaaday Weerar dhanka Internet-ka ah.

Bogga Internet-ka Twitter-ka ee wasiirka arrimaha dibadda dalla Bahrain Khalid al-Khalifa, ayaa waxaa jabsaday wax u muuqda maleeshiyo Shiica ah oo ka mid ah Tuugada Internet-ka.

Waxaa jira xiisad xooggan oo u dhaxeysa Shiicadda dalka Baxrayn iyo   Muslimka  xukunka haya ee haysta Madahabta Suniga.

Dalka dariska la ah ee dalkan yar ee Ku yaalaa Khaliijka, ee Qatar ayaa sidoo kale dhawaan wuxuu ahaa dhibbane wax ay ku sheeggeen afduubayaal Internet-ka oo daabacay haddallo liddi ku ah Amiirka wadankaasi.

Tani waxay dhallisay xiisadd culus oo ka dhex curatay Khaliijka, baarayaal Maraykan ah oo ka socda FBI-da dalkaasi ayaa haatan ka caawinaya Qatar baaritaanka ku aadan weeraradaas Internet-ka.

Arrintan ayaa timid ka dib markii sidoo kale dhowaan la jabsaday email-ka safiirka Dowladda isugu taga Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Maraykanka.

Kooxda jabsatay email-ka ayaa waxaa ay sheegeen in danjiraha uu la shaqeeyo koox jawaasiis ah oo u shaqeeya dalalka Maraykanka iyo Israel, kuwaasi oo doonaya inay xumeeyaan sawirka Dowladda Qadar.

Mid ka mid ah Dadka jabsaday email kaasi ayaa Television-ka Aljazeera u sheegay in safiirka iyo qolyaha uu la shaqeeyo ay bartamaha bishan ay qorsheeyeen inay Ku shiraan magaalada Dubai, ayagoo Ajandaha koowaad ka dhigtay in baabi’yo Television ka Aljazeera kaasi oo ay sheegeen inuu caqabad Ku yahay nabadda Barriga Dhexe, ayagoo sidoo kale baaraya in Aljazeera ay xiriir la leedahay kooxda Ikhwaanus Muslimiin.