Weerar lagu dilay 16 askari oo ka dhacay dalka Masar

316

armed-egyptian-police-2

Qarax xooggan ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Masar ee ka howlgala gobolka Nile Delta ee dalkaasi Masar. Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhintay Saraakiil  sare oo ka tirsan ciidanka Booliska dalka Masar.

Qaraxa ayaa waxaa warbaahinta dalka Masar ay ku waramayaan inuu  ka dhacay Iridda Hore ee goob lagu tababaro Ciidamada Booliska dalka Masar.

Ilaha Sirdoonka dalka Masar ayaa xaqiijiyay Geerida labo Sarkaal iyo sidoo kale dhaawaca 15 qof.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Mooto yar oo uu waday qof isasoo miidaamiyay.