Weerarkii Jaamacadda Gaarissa oo Lasoo Afjaray

Nayroobi (XT): Jaamacadda Gaarisa oo arroornimadi hore ee saaka ay weerar ku qaadeen rag ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa haatan wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in dhimashadu ay kor u dhaafeyso 147 qof oo ay ka mid yihiin ciidamada difaaca Kenya kuwaasi oo howlgal lagu soo badbaadinayo la haystayaasha u badan ardaydii jaamacadda ka fulinayay goobta.

Dawladda Kenya ayaa shaacisay in hawlgalka lasoo afjaray kadib dhawr iyo toban saacadood oo ay kooxda Al Shabaab ay haysatay dhismaha jaamacadda. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in 4tii nin ee gudaha u galay dhamaan la dilay. Waxaa sidoo kale bandow soconayamaqribka ilaa salaadda Subax lagu soo rogay magaalooyinka Garissa, Mandera, Wajir iyo Tana River.

Sidoo kale. waxaa ka hadlay madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta waxa uuna sheegay in dowlad ahaan ay tacsi u dirayaan dhammaan ehelada caruurtooda ku waayay weerarka naxdinta leh loo duceynayo, isaga oo carabka ku dhuftay in dowladdiisu ay qoreyso 10,000 kun oo cusub oo Booliis ah, taasi ayuu ku macneeeyay in ay sugi doonaan ammaanka dalka maadama ciidanka oo yar dartiis uu ammnigu faraha kasii baxayo.

Todobaad kahor ayay ahayd markii kooxda Al Shabaab ay gashay gudaha Huteelka Maka Al Mukarramah oo ku yaalla Muqdisho. Weerarkaas kadib ayay Xarakada sheegtay in ay beegsan doonto goobo iyo huteello kale.

Wixii faahfaahin ah kala soco Xaqiiqa Online.