Wefdi caalami ah oo gaaray degmada Cadale

459

Gawaarida-huwanta

Wefdi ka socda xafiiska kaalmaynta Qaramadda Midooay ee Soomaaliya oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hey’addaha kale ee samafalka caalamka ayaa maanta markii ugu horreysay ku dhowaad muddo shan sanno ah booqasho keddis ahayd ku tagay degmada Cadale ee gobolkaasi Sh/dhexe, halkaasoo dhowaan lagala wareegay dagaalyahanka xarakada Shabaab.

Dadweynaha ku nool degmadaasi oo uu horkacayay guddoomiyaha Cadale, Muxyadiin Suudi Macalim ayaa si weyn u soo dhoweeyay wefdiga waxayna ka codsadeen inay gacan ka siiyaan masuuliyiinta maammulka iyo saraakiisha ciidamadda isbaheysiga sidii ay gargaar degdeg ah u gaadhsiin la haayeen shacabka ku nool degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada guud ahaan.

Sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee gobolka Sh/dhexe, Yuusuf Cabdi Cabdulle oo la socda wefdigaasi degmada tagay wuxuu u xaqiijiyay reer Cadale in ka maammul ahaan madaxda wefdigu ay u ballanqaadeen wax ka qabashada xaaladdaha nolol xumo ee imminka ka jira gudaha degmadaasi.

Cadale ayaa ka mid ah degmooyinka dhaca dhinaca xeebaha badweynta Hindiya waxayna qiyaastii 140km u jirtaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Wefdigaasi ayaa horey booqashooyin kala duwan ku soo maray degmooyinka Buulomarreer iyo Ceelbuur.