Wiil uu dhalay Madaxwaynaha la doortay ee Gambia oo geeriyooday ka dib markii Eey uu qaniinay

393
Waa 8 jirka uu dhalay Madaxwaynaha la doortay ee dalka Gambia Aadama Barrow waxaana uu geeriyooday fiidkii caawa 16/ 01/2017

Wiil uu dhalay Madaxwaynaha la doortay ee dalka Gambia, Aadama Barrow ayaa geeriyooday maanta ka dib markii sida la sheegay uu qaniinay EY, ilaa iyo hadda la ogayn.

Wilkan Ey-ga qaniinay ayaa ahaa 8 jir, waxaana Ey-ga uu ku qaniinay Magaalada Bunjul, ee Caasimadda dalka Gambia.

Sawirkan waa wiilka Ey-ga qaniinay ee uu dhalay Madaxwaynaha la doortay ee dalka Gambia Aadama Barrow.

Waa 8 jirka uu dhalay Madaxwaynaha la doortay ee dalka Gambia Aadama Barrow waxaana uu geeriyooday fiidkii caawa 16/ 01/2017
Waa 8 jirka uu dhalay Madaxwaynaha la doortay ee dalka Gambia Aadama Barrow waxaana uu geeriyooday fiidkii caawa 16/ 01/2017

 

Ey-ga qaniinay wilkan Yar ayaa laga shakisan yahay in la soo daray maadaama ay jiraan Eeyo askar ah oo sida Askarta amar u qaata oo sidoo kalena sameeya wixii loo diro.

Wiilkan geeriyooday ee Ey-ga qaniinay ayaa aabihiis waxaa uu ku guulayatay doorashadii 1-dii Dec. Sanadkii tagay ee 2016- kii, kaasi oo ka guulayatay madaxwaynaha wadankaasi maamulayay 23 sano ee la soo dhaafay ee Yaya Jameh.

Mr. Jameh, ayaa markii hore aqbalay in laga badiyay hase ahaatee maalmo ka dib diiday natiijada doorashada.

Urur gobaleedka ECOWAS, ayaa wada dadaalo Lagu doonayo in sinabad xilka loogu wareejiyo madaxwaynaha la doortay ee dalka Gambia Aadama Barrow.

Mr. Barrow, ayaa ku sugan Magaalada Dhaka, ee Caasimadda dalka Senigal, halkaasi oo Lagu wado in dhowaan Lagu caleema saaro.

Xisbiga madaxwayne Barrow, ayaa caawa shir jaraa’iid ku qabtay Magaalada Dhaka ee dalka Senigal, halkaasi oo ay kaga hadleen arimo siyaasadeed iyo arrimaha la xiriira wiilka Ey-ga qaniinay.

Xaqiiqa Times