Wiilal Soomali ah oo lagu dilay dalka Sweden

313

Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in xalay toogasho ku dillay labo wiil oo Soomaali ah oo ku sugnaa  xaafadda lagu magacaabo Rinkeby  oo ka tirsan magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Rag toogashada geystay oo la sheegay inay  wateen  qoryaha darandooriga u dhaca ayaa  weeraray  labo wiil oo walaal ah xaafadda Rinkeby oo ay Soomaalidu ku badan tahay.

Dhalinyarradan la dillay ayaa magacyadooda  lagu kala sheegay  Zakariye iyo Feysal oo ahaa rag dhalinyarro ah sidda ay warbaahinta u sheegeen waalidiinta labada wiil.

Goobta toogashada ka dhacday ayaa waxaa isugu soo baxay dad badan oo Soomaali ah iyo ciidammo ka tirsan booliiska magaalada Stockholm.
Soomalida ku baahsan caalamka daafihiisa ayaa la kulmo xad-gudubyo faro badan.