Xaabsade oo u xargo goostay xaruntiisii!

173

Wefdiga-Xaabsade2

La taliyihii madaxweynaha Somaliland ee dhinaca doorashooyinka, Axmed Cabdi Xaabsade ayaa gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar iyo mas’uuliyiin kale ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay wefdiga Xaabsade deegaanka Laacdheere ee dulleedka magaalladda Garoowe. Waxaana la socday guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey oo kasoo raacay Gaalkacyo.

Siyaasigaas ayaa lagu soo waramayaa in loo gelbiyay xarunta madaxtooyadda Puntland, halkaasoo uu kulan kula qaatay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ujeeddada Xaabsade ee ka danbeysa kusoo guryo noqoshadda Garoowe ayuu ku sheegay inay tahay codsi uga yimid madaxda cusub ee iminka talada haya, wuxuuna intaasi sii raaciyay mar uu la hadlayay saxaafadda inuu horey uga mid ahaa dadkii Puntland wax kasoo dhisay haatana diyaar u yahay inuu dib ula shaqeeyo maamulkiisa.

Xaabsade ayaa xillal kala duwan ka soo qabtay maamulka waqooyi bari Soomaaliya ee Puntland, balse markii danbe isaga tagay ka dib muran dhexmaray madaxweynihii hore ee Gen. Cadde Muuse sanadkii 2007-dii.