Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Galmugug

289

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay dhammaan degaanada Galmudug mudo Saddex bilood ah, oo ka bilaabaneysa 1-da October 2017.

Warkan oo lagu xaqiijiyay warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sidoo kale lagu sheegay xaaladan deg dega ah in xukuumadda Galmudug ay siineyso awoodo dheeraad ah oo ay u adeegsaneyso xaqiijinta amniga.

Dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa la faray inay dhaqan geliyaan xeerkan.