Xaaladda deg dega ah ee Turkiga oo markii Afaraad la kordhiyay

260

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa kordhiyay xalaadda deg dega ah ee saaran dalkaasi tan iyo wixii ka dambeeyay afgambigii dhicsoobay ee dalkaasi ka dhacay mudo sanad ah ka hor.

Xisbiga talada haya ee AKP ayaa baarlamaanka usoo jeediyay in markale la kordhiyo xaafadda deg dega ah.

Xisbiga mucaaradka ah ee Nationalist Movement Party MHP ayaa xisbiga talada haya Ku taageeray.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Binali Yildrim ayaa baarlamaanka u sheegay in Turkiga uu yahay dal uu ka arimiyo sharci baarlamaankuna uu yahay cidda go’aaminaya kordhinta xaafadda deg dega ah.

Madaxwaynaha dalkaasi Raccep Tayyip Erdogan ayaa baarlamaanka uga mahad cilinayay kordhinta xaaladasi deg dega ah.

Baarlamaanka ayaa Ku kordhiyay mudo seddex bilood oo dheraad ah waana markii afaraad oo ay kordhiyaan.

Arintan ayaa timid maalmo ka dib markii dalkaasi lagu qabtay munaasabado lagu hadlayay afgambigii dhicsoobay ee Turkiga ka dhacay 15 kii bishii July 2016 kaasi kaasi oo sababay geerida in ka badan 200 oo qof sidoo kale gaystay dhaawacyo ka badan 2.000 oo qof.