Xaaladda golaha shacabka oo cakiran

167

Xaaladda baarlamaanka ayaa aad u cakiran, waxaana dhismaha aqalka baarlamaanka la wareegay oo gacanta ku haya ciidan ka amarqaata guddoomiye Jawaari iyo kuxigeenkisa labaad.Ciidanka kale ee dawladda ayaa dusha uga hareereysan dhismaha baarlamaanka.

Wadahadal ciidanka looga qaadayo xaruunta golaha shacabka oo u dhaxeeyay guddoomiye Jawaari iyo taliyaasha ciidanka ayaan wali wax natiijo ah laga gaarin.

Dhinaca kale xildhibaanadii loo diiday in ay gudaha u galaan ee taageersanaa mooshinka ayaa la sheegay in ay ku shirsanyihiin hoteelka Syl oo u dhaw xaruunta golaha shacabka.

Xaaladda ayaa  u muqata mid sii cakirmeysa,lamana oga sida wax ku dhammaan doonaan