Xaaladda qaxooti Kenya laga soo ciliyay oo laga dayriyay

273

Xaaladda dadka Barakacaayasha ah ee ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa la sheegayaa inay tahay mid lidata.

Dadka xaalkooda uu liito ayaa waxaa ka mid ah qaxooti Soomaaliyeed oo dhowaan laga soo ciliyay xeryaha qaxootiga dhadhaab iyo dad kale oo la sheegay inay ka soo carareen colaado iyo abaaro ka jira gobalkaasi.

Maamulka gobalka Baay iyo kan degmada Baydhabo ayaa booqday qaar ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah.

Gudoomiye ku xigeenka gobalka Baay iyo Gudoomiye ku xigeenka magaalada Baydhabo oo booqashadooda ka dib warbaahinta kula hadlay magaaladaasi ayaa waxaa ay sheegeen in baahyo badan ay ku soo arkeen xeryaha dadka barakacayaasha.

Waxaa ay ku baaqeen in la gargaaro dadkaasi

 

Halkan ka dhagayso hadalka ay warbaahinta siiyeen

Aadan Cali Aadan gudoomiye ku xigeenka Baydhabo

 

Cumar Maxamed gudoomiye ku xigeenka gobalka Baay