Xabadihii Lagu Difaaci Lahaa ayaa Lagu Dilayaa

701

W/Q: Axmed Ciise Guutaale

Halista ciidanka hubeysan ee adeegsada waddooyinka Xamar, una dhaqma sidii ay doonaan,  mar hore ayaa qaylo dhaani katimid. Hayeeshee awooddooda ayaa weysay xisaabin iyo abaalmarin, wixii ay soo socotana waxa ay soo gaartay halka ay maanta joogto.

Ma hubo, in qoraalkan muragada xambaarsani gaarayo dhegaha iyo indhaha dadka haya hoggaanka iyo awoodda , hayeeshee bal in ay diirnaxa leeyihiin ayaan ku deyayaa!

Maalin walba waddooyinka waxaa nagu handada gaadiid hubeysan, oo ay wadaan dad dhallinyaro u badan, gaadiidkaas qaarkiis waxa uu leeyahay astaanta qaranka iyo calaamadaha dowladnimadeena. Marka ay naga horreeyaan ma baasi karno, marka ay kaa dambeeyaana kama socon karno qaylada, iyo qoryaha furan ee ay nagu taagayaan,

Gaadiidka qaarkii waa kuwo ka shaqeeya hay’ado ammaan, oo gaar looleeyahay, balse inyar ka roon kuwa sita astaamaha dolwadda.

Muwaadin walba oo ku shaqa taga gaari u gaar ah, ama raaca kan dadweynuhu waxa uu la kulmaa dhibkan sii badanaya.

Waxa aan taagnaa isgoyska Taleex. Dhowr gaari oo ah kuwa dadweynaha ayaa jidku ku xirmay, mid kamid ah gaaiidkaas oo nooca Hoomeyga loo yaqanaa waxa saarna dadweyne badan oo ay kamid ahaayeen Islaamo da’ ah .

Dadweynihii  oo iska fadhiya, gaariguna sugayo in jidku furmo,  ayaa waxa yimid gaari hubeysan, qoriga ku rakiban gaariga waxa ka laalaaday wiil madaxa xirtay, macawis iyo funaanadna xiran, dhowr xabbadood ayuu kor u riday,  dhulkii ayaa isla daryaamay, muwaadiniinta lugeyneysay iyo kuwii gaadiidka saarnaaba argagax ayaa ku dhacay.

Hooemeyda oo aan is feer taagnayn waxa dhacday in haweenkii si degdeg ah  uga dagaan, iyaga oo malaha raadinaya meel ay nafta la galaan, iyaga oo bisinka iyo yaasiinka afka ku haya,  darawalkii gaariga ayaa ka daba tanaagooday, isaga oo leh “Waa xabado jidka lagu furayo hooyo ee soo noqda”, waxaas oo dhan ma rumeysan ee waxa ay isku sii looxiyeen derbi meesha ka dhowaa. Qiyaasteyda waxa ay ahaayeen 5 islaamood oo dhaqmaad deys ah, aad u culus, iyaga oo dhibban ayay iska tageen, kirishbooyga oo kamid ahaa kuwa aan xishoon ayaa ka daba orday. Hayeeshee dadkii ku haray gaariga ayaa u yeeray oo ka codsaday in uu ka soo haro hooyooyinka nafta la cararay, lacagtiina inta u qaaraameen ayay isugu dareen.

Muwaadiniinta ku nool Caasimadda ayaa wada qaba dhibkaan, ee qaarkood ma aha, waxa u daran kuwa kuwa isticmaala waddooyinka waaweyn,

dhowaan waxa dhacday mid kamid ah dhacdooyinkii ugu naxariista darnaa, Maxamed Cabdi Xuseen oo Alle ha u naxariistee), ahaa  nin dhallinyaro ah, kaxeynayeyna Mooto Bajaaj  ayaa inta xabado lagu furay, oo la dilay lagana tegey.

Waxa uu ku dhex raftay dhiiggii ka baxay illaa uu ka dhintay, muddo ayuu nafta ku dhibbanaa, isaga oo ka dhacay mootada.

Waxa aan ka maqalnaa madaxda iyo Warbaahinta “Dhallinyaradu waa xogga dalka, waa hantida ummadda, waa ubaxa berri, ee yaanay tahriibin.”

Haddii aan shaqo loo hayn, haddii ay shaqo sameystaanna aan la nabadgelin, caawin iyo taageero halkooda ha joogaane, sidee uga baaqsanayaan tahriib? Gar ayayna u leeyihiin in ay dagaagaan.

Haddaba aan isweydiino yaa u baanneeyey ciidanka hubeysan iyo madaxda la socota in ay dadka shacabka laayaan, kadibna ay xitaa ku soo laaban waayaan qofkii ay dileen?

Dad badan ayaa la soo boodi doona waa isdifaacayeen,! Oo sidee ayay isu difaacayeen? Haddii ciidanku cabsi dareemaan ma waxa ay taasi banneyneysaa in ay muwaadiniinta cabsi geliyaan? Ama ay dadka nafta iyo nolosha la xarbinaya lagu dilo xabbadihii lagu difaaci lahaa?

Waxa aan raadineyno waa in dowladnimadu soo hagaagto, oo hay’adaha dowladdu qayb ka noqdaan in noloshu muwaadinku fududaato.

Marka hubka dowladda lagu handado dadweynaha ama ay dareemaan in ciddii loo dacwoon lahaa ay leedahay astaamo cadow, waxa soo aaddan saad xun.

Ceebaha dowladda oo la sheego ma aha in ciddii sheegtaa ay cadow tahay, sida aan ka maqlay madaxda qaarkeed. Marka dowladdu weyso cid sheegta ceebaheeda waxa dhacaya wixii dhacay muddo ka hor, sida dhaqankii dhegeyso oo ku dhaqan ee kacaanku la yimid.

Haddii ay madaxdeenu u hammuun qabaan in loo heeso ama gabley shinbir loo ciyaaro, waxa aan hubaa in ay hurdaan, madaxdii loo ciyaari jiray daadka ayaa qaaday, waxa soo haray madaxda isu aragta in ay yihiin adeegayaal qaran, kuwaas oo u cabsada sida shaqaaluhu uga cabsadaan in shaqada laga saaro oo ay mushaar la’aan soo dhacaan.

Haddaad adigu wacan tahay dadka lagu ma wiirsado!