Xadka Riddada Maxaa ka Run Ah: OO Wiil Soomaaliyeed Ugu Jawaabay Qoraagiisii maanso Cajiib ah.

582

Dhowaan ayaa nin soomaaliyeed waxa uu ku soo bandhigay xaafada Islii ee Soomaalidu dagtay Nairobi Kenya, buug luqada Soomaaliga lagu qoray oo loogu magac daray

(Xadka Riddada Maxaa Ka Run ah).

       Waxa uuna  uuga hadlay arrima muhiim iyo aasaas u ah Shareecada Islaamka, isaga oo sheegay in xadka Riddada ee Islaamka aan la hirgalin xilligii hore haatana aan

       loo baahnayn in qof ridoobay la dilo.

      Haddaba buugaas waxaa ka jawaab celiyey culumada Soomaaliyeed ee uu ugu horeeyo Sheekh Maxamd abdi Umal, Maxamed Idriis iyo Culumo kale oo fara badan, iyaga oo

      cadeeyeen in  buugaasi uu     salka      ku hayo afkaar lid ku ah ku dhaqan shareecada islaamka, sidoo kalena aan buuga looga xadlin xadka ridada kaliya balsa lagu hoos qariyey

      afkaar aad u xun taas  oo loo baahan yahay in ay shacabka   Soomaaliyeed ku baraarugaan.

          Ugu dabneyntii, buugaas ayaa waxaa ka sameeyey Maanso gaaban oo uu ugu jawaab celiyey   wiil Soomaaliyee oo arday ka ah Jaamacad ku taal dalka Suudaan

        Xariir Jaamac Cabdi, Waxa uuna ugu magac daray Maansadaas FOOL MAROODI,

WAXA AY MARKALE  IYADA OO JAWAAB U AH NINKII U GOGOL XAADHAYEY KUFRIGA IYO RIDDADA.

 

Markuu tuhun iyaro galo
Wataan tusaaliyo
Tada maaso tirinjirey
Maanta tabtaydii
Aantumaatigii rido
Hadaan dhaqan wanagiyo
Wayo dheer lahanjirey
Hadaan dhaayo hiil iyo
Diinta dhabarka siinjire
Maantana dhibkale timi
Taladii nin dhaayali
Xumaa diirka dhilijirey
Waanadii dad culimii
Tabinteed lahaayeen
Tawradiyo injiil tii
Furqaan lagu tirtireybey
Rag xumaan ku tuuren
Anaa idiin tusaaleyn
Somalaa hore utidhi
Cesaantii irdhawdee
Adhigeeda diidaa
Tays shisheeye waw tuhun
Waxan uga socdaa taas

Tafantoofka shiikhii
Iyo xumaha tuhun galiyey
Xad ridana lataag yimi
Anjawaabta siiyee
Tahantiisu waxay tahay
Deeradii istaagtee
Cagta galisey jeenige
La soobooday gaalef
Lagu gawracoo kale
Diintayadu waa fariq
Xumahay fogeysaa
Badilkey xammaashaa
Xad qofkii mutestana
Xawdaa la dhaafshaa
Adun waa in lagu tumo
Amma taabcad lagu sudho
Amma toobad keentaa
Diintuna thubuut iyo
Ay taboodin noqotaa
Aakhirana eebaa
Arintaadu taalaa
Waa in lagu tubaadhoo
Tunka lagaa jufeeyaa
Aad juuqda damisaa
Eebana jalaad iyo
Marba aad jaleecdaa
Oo naarta jahannama
Iyo jaxiima hanataa
Tacabkaagu hoogo
Aad naftaadu huushtaa
Jahligii hulaab iyo