Xafladda dhaarinta xildhibaanada oo si toos u bilaabatay Daawo

216

Waxaa si toos u bilaabatay dhaarinta xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo ka soconaysaa Dugsiga Tababarka Booliska Janaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka la dhaarinayo ayaa waxaa ay isugu jiraan labada Aqal ee Baarlamaanku uu ka kooban yahay.

Guud ahaan tirada la dhaarinayo waa 299 xildhibaan oo ay ku jiraan 70 haween ah.

Baarlamaanka ayaa waxaa ay sidoo kale yeelanayaan kulankooda ugu horeeya, ayagoo dooran doona gudoomiye KMG ah kaasi oo noqon doona mudanaha ugu da’da wayn.

Baarlamaanka waa kii 10, naad ee uu yeesho wadanka Soomaaliya tan iyo intii uu xirriyadda ka qaatay gumaystayaashii reer Yurub, Telyaaniga iyo Ingiriiska.

3-747x420 4-747x420 2-3-747x420