Xarun lagu xanaaneeyo Caruurta da’da yar oo laga furay magaalada Muqdiaho

179

Kadib dagaaladi cuslaa ee dadka magaalada Muqdisho ay ku jireen in muda ah, ayaa waxaa muuqata hada in laga soo kabanayo iyada oo dhinaca waxbarashada ay wax weyn iska badaleen, inkastoo waxbarashada iyo dhaqaalaha ay ahayeen illihii ugu muhiimsanaa oo wadanka ka jiray xiligi burburka ayaa hadana waxaa muuqatay in horumar weyn lahaayeen hadana ay aad u horumartay.

Wixii ka danbeeyay marki lagu dhawaqaay in wadanku yeeshay Dolwladd Federaal ah, ayaa waddanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaa dib ugu laabanayay Ganacsato iyo aqoonyahano Soomaaliyeed kuwaa oo doonaya in ay gacan ka geestaan dhismaha Dalka.

Sahra Elmi, waa haweeney Soomaaliyeed oo ka furtay magaalada Muqdisho Xarun waxbarasho taa oo lagu xanaaneynayo waxna lagu barayo Caruurta da’adoodu u dhaxeyso 3da sano ilaa lixda sano, kuwaas oo loo diyaariyay qalabka caruurtu ay ku cayaaraan iyo dumar gacanta ku hayo xiliga ay kusugan yihiin xarunta.

Sidoo kale Anisa, waa haweenay ka mid ah dumarka xanaaneeyo waxna bara caruurta. Mar wax laga weydiiyay sida loo heyn karo caruur aad u yar xiliga hooyadood maqantahay? Aya aku jawaabtay in caruurtu wax la aqrisanayaan lana cayaarayaan caruurta kale ee asaagooda ah kuwaas oo isdhexgalayaan sheekeysanayaana, sidaa darteed aysan wax dhib ah ku keeneen maqnaashaha waalidiinta.

Ugu danbeyn, tilaabadaan ayaa ah horumar balaaran oo dadka magaalada Muqdiaho gaar ahaan hooyooyinka shaqeeya ay ka faa’iideysan doonaan iyaga caruurtooda geysan doonaan xarunta xanaanada xiliga ay shaqada ku maqanyihiin, taas oo ay uga maarmi doonaan caawintii shaqaalaha maadama ay dhib badan kala kulmi jiree.