Xarunta Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska oo xariga laga jaray (Sawiro)

194

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow, ayaa mudo 27-sano ka dib maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho, xariga kaga jaray xarunta Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa ka qeyb galay ku simaha ahna Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax, La-taliye sare xafiiska Madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaruntaan oo ku taalla dhabarka dambe ee Cisbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa loogu magacdaray Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamed Abshir Muuse.

Xaruntan lagu xanaaneynayo Carruurta Agoonta Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale waxaa ku jira 20-carruur ah oo waalidiintooda ku waayay Qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Xarunta Aqoonta ayaa waxay ka kooban tahay qeybo kala duwan oo ay ka mid yihiin jiif, Iskuul wax lagu barto, Dugsiga Qur’aan, Masjid lagu Tukado iyo Garoon kubadda ay ku ciyaaraan carruurtan Agoonta ah.