Xasan Sheekh “kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka waxaa uu dhici doonaa 2 maamlmood ka dib

363

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wariyeyaasha kula hadlayay xarunta villa Soomaaliya ee magaalada muqdisho  ayaa ugu horeyn ka hadlay qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo shacabka uga tacsiyadeeyay dhibaatooyinka ka soo gaaray, waxaana uu ciidamada ammaanka ku ammaanay doorka ay ka qaataan ka hor-tagida falalka amni darada.

Madaxwayne Xasan, ayaa sheegay in fadhigii ugu horreeyey ee Barlamaanka labada aqal ee cusub uu furmi doono sida qorshuhu yahay 15-ka bishan, gacantana lagu hayo howshaasi.

Waxaa faray maamulka Baarlamaanka in ay dadajintaan qabsoomidda kulankaasi oo ay dhaarinta xildhibaannada  ay ka mid tahay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto dagaalami caalami ah, oo ka dhan ah Argagixisada, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan dagaalkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in markii u horeysay muddo 47-sanno kaddib  ay doorashooyin ka dhacayaan,  taasoo lagu gaaray bisayl siyaasadeed oo dadka Soomaalida ah ay sameeyeen, isagoo ku ammaanay dowlad gobolleedyada iyo guddiga arrimaha doorashooyinka ku howlahan sida ay u guteen waajibaadkooda.

Madaxweynaha ayaa  ugu dambayn sheegay in gobolada dalka oo dhan ay ka jiraan abaaro xooggan, isagoo ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.