Baraawe oo hakad la gelinayo dhoofinta dhuxusha

200

Madaxweyne-lugadheere0Madaxweynaha dawladda dhexe ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole iyo taliyeyaasha talisyada kala duwan ee ciidamadda qaarkood ayaa markii ugu horreysay socdaal aan la sii shaacin ku tagay magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Sh/hoose wuxuuna ku dhawaaqay in si rasmi ah loo joojiyay dhoofinta dhuxul ay si weyn uga macaashi jireen dagaalyahanka xarakada Shabaab oo lix sanno ka talinayay halkaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale faray saraakiisha ciidamadda isbaheysiga iyo maammulka gobolkaasi inay gacan bir ah ku qabtaan cid kastoo isku dayda jarris dhireed si buu yiri madaxweynuhu loogu hoggaansamo go’aankii Qaramadda Midoobay ee ka dhanka ahaa dhuxusha laga dhoofiyo gudaha Soomaaliya.

“Waxaan idinka codsanayaa in aad nabadda ka shaqeysaan kana hor tagtaan shaqsi kastoo khalkhal gelinaya degmadiina,” ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlayay mujtamaca reer Baraawe.

Waa booqashadii ugu horreysay oo uu ku tago Xasan Sheekh magaaladaasi ilaa iyo markii ay huwantu dib uga qabsadeen ururka Al-shabaab.

Baraawe ayaa ka mid ah magaalooyinka dhaca dhinaca xeebaha badweynta Hindiya waxayna qiyaastii 193km u jirtaa magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.