Xasan Sheekh oo la kulmay danjire Afay.

214

Madaxweynaha  Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga QM ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Affey.

Madaxweynaha iyo ergeyga ayaa ka wadahadley sidii xal loogu heli lahaa arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka deriska iyo caalamka guud ahaan.

Madaxweyne Xasan  ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo magacaabista ergeyga cusub, isla markaana Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida.

Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Affey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkan cusub ee loo soo magacaabey, uuna rajeynayo inuu si buuxda uga shaqeeyo barnaamijyada lagu taageerayo qaxootiga Soomaalida ee dalalka dibedda ku nool iyo barakaceyaasha ku nool gudaha dalka.