Madaxweyne Xasan: waan la hadlaynaa Puntland

175

GarooweMadaxweynaha dawladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay inay diyaar u yihiin wadahadal rasmi ah oo ay la furaan maammulka Puntland si buu yiri madaxweynuhu loo soo afjaro khilaafaadka siyaasadeed ee imminka jira.

Hadalkaasi madaxweyne Xasan ayaa yimid kaddib kulan uu la yeeshay xildhibaanada Puntland u metala golaha barlamaanka Soomaaliya oo kasoo laabtay socdaal wada tashi ahaa oo ay lasoo qaateen madaxda iyo shacabka maammulkaasi si ay isugu soo dhaweeyaan labada dhinac, waxayna madaxweynaha Soomaaliya dhawaan u gudbiyeen xildhibaanadu tabashooyinka reer Puntland, taasoo keentay in madaxweynuhu ku dhawaaqo wefdi ay hoggaaminayaan masuuliyiinta sare ee xukuumadda oo loo diri doono deeggaanada Puntland. 

Dhinaca kale, dadaalkaasi ayaa ku soo beegmaya, xilli dawlad gobolleedka waqooyi bari Soomaaliya ee Puntland ay horey dhawr jeer xiriirka ugu jartay dawladda dhexe.