Xasuuqa lagu hayo Qowmiyadda Rohingya oo sii kor-dhaya

535

aa3e6690c7284a67b309d3d90f762c96_18

Dhibaatada lagu hayo muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalka Myanmar/ Barma ayaa sii kordhaysa ayadoo QM, ay sheegatay in ciidanka Ammaanka Myanmar ay gaysteen falal ka dhan ah Bani’aadanimada.

War cusub oo QM, ay ka soo saartay gaboodfalada lagu hayo muslimiinta Rohingya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka Ammaanka Myanmar ay gaysteen Kufsi, dil iyo inay gubeen xaafado ay leeyihiin Qowmiyadda Rohingya.

QM, waxaa ay sheegatay in dhibaatada ay sii korortay tan iyo bishii October ee sanadkii tagay 2016 kii.

65,000 oo ka tirsan Qowmiyadda Rohingya ayaa Barma ka cararay tan iyo October ayagoo ka baqdin qaba in loo gaysto wax loo yaqaano ‘Isir-sifayn’ ama dabargoyn.

Zayd Raad al-Xusayn oo ka tirsan guddiga QM u qaabilsan Xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in hogaamiyaha dalkaasi Barma, Aung San Suu Kyi ay balan qaaday in baaritaan rasmi ah lagu samayn doono xasuuqa lagu hayo dalkaasi.

101 haween ah oo u dhashay Qowmiyadda Rohingya ayaa la waraystay kala bar ka mid ah waxaa ay sheegeen in ay kufsi kala kulmeen ciidanka dowladda.

Qaar ka mid ah dumarkan ayaa waxaa ay qaramada midoobay ay u sheegeen in carruur badan oo bilooyin un  jira la jer-jeray ilaa iyo ay ka geeriyoodeen.

Cunug suddeed bilood jir ah ayaa la dilay xili ciidanka Ammaanka Myanmar ay kusfi kula kacayeen hooyadiis.

Qowmiyadda Rohingya ayaa lagu qiyaasaa 1.1 million oo ruux Kuwaasi oo basankood Ku nool gobalka Rakhine, ee dalka Myanmar.