Xawaaladaha Soomaalida ee Maraykanka dib u shaqa bilaabaya.

280

Xawilaadaha Soomaalida ee Dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa in maalinimada birita ah 1-March ay dib u bilabidoonaan howlahooda caadiga ahaa ee Xawilaadaha kadib dadaal soo socday ilaa 6bishi Feberaayo 2015.
Bankiga Merchants ayaa lixdii bishan xanibay akoonadii xawaaladaha Soomaalida ku lahaayeen bankigaas, taasoo keentay inay istaagaan shaqooyinkii xawaaladaha saamayna ay ku yeeshaan Dadka Soomaalida ee tiirsanaa lacagaha looga soo dirijiray Maraykanka.
C/casiis Sugule oo ah Gudoomiyaha Urur ay ku bahoobeen xawaaladaha ayaa sheegay in ay jirtay caqbado dhowr ah oo ku horgudboonaa Xawilaadaha Soomaaliya balse ay hadda wax uun ku guulaystaan Maalinimada birita ahna ay shaqooyinii dib u bilaabandoonana .
Hakinta Xawilaadaha Soomaalida ayaa saamayn weyn waxa uu ku keenay Dad abdan oo kusugan gduaha Dalka kuna tiirsanaa lacagaha looga soo diro Maraykanka taasi oo khubarada qaar ay shegayeen in ay keeni karto Macluul.