Xayiraad la dul dhigay hoggaamiyaha Al-shabaab

196

Abuu Cubeyd1War qoraal ahaa oo kasoo baxay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa si rasmi ah loogu shaaciyay in iyaga oo tixraacaya qaraarada 751 iyo 1907 ee soo baxay sannadyadii 1992-kii iyo 2009-kii, kuwaasoo dhammaantood si gaar ah ugu saabsan arrimaha Soomaaliya ayey meel mariyeen in lagu daro hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab, Sheekh Mahad Cabdikariim oo sidoo kale loo yaqaano ‘Abu Cubeyd ama Axmed Diiriye’ taxa madow ee waxa loogu yeero ‘kooxaha argagixisada’ waxaana lagu soo rogay xayiraado dhinaca hubka, dhaqaalaha iyo socdaalka ah sida ku xusan cutubka 7aad farqaddiisa 1aad iyo 3aad ee axdiga golahaasi.

Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ayaa hoggaamiye u doortay Abu Cubeyd oo mar ahaan jiray guddoomiyaha gobollada Baay iyo Bakool ee ururkaasi.

Abu Cubeyd ayaa noqonaya hoggaamiyihii seddexaad ee soo mara Al-shabaab, wuxuuna beddelay Abuu Zubeyr oo horey xilkaasi u gala wareegay Sheekh Ismaaciil Caraale kaddib markii sannadkii 2007-dii loo diray xabsiga Guantanamo Bay ee waddankaasi Cuba.