Xayiraadda Sh. Axmed Laga Qaaday Waa Xayiraad Dhaqaalaha iyo Horumarka Soomaaliya Laga Qaaday

5158

Waxaa muddo 15 sano keddib ah xayiraaddii dhaqaale iyo safar ee saranayd laga qaaday ganacsade Sh Axmed Nuur Jimcaale oo ahaa asaasihii shirkaddii caanka ahayd ee Al Barakaat. Si fiican ayaa looga soo dhaweeyay Soomaaliya, iyada oo malaayiin Soomaali ah ay ka faa’iideysteen shirkadihii raacsanaa Al Barakaat oo shaqo bilowday xilli Bank iyo Xawaalad midna aysan jirin, markii dambena telefoono ku soo biirisay.

Xayiraadda Sheekha iyo hantidiisa la saaray waxay ahayd xayiraad Soomaaliya la saaray maadaama uu u taagnaa horumarinta koboco dhaqaale ee dalka iyo shaqo abuurka kumannaan dhallinyara ah oo ay ku hoos noolaayeen qoysas aad u fara badan.

Waxay ahayd cunaqabatayn aan xaq ahayn, dhibaato badanna ay Soomaalida kasoo gaartay keddib markii la xayiray lacag gaareysa 11 Milyan oo Doollar oo shacabka Soomaaliyeed ay lahaayeen. Sh Axmed ayaa hore u bixiyay amaanadii uu u hayay dadweynaha xilligii shirkadda ay xirmaysay, waxaana jiray dad aan wali qaadan lacagahooda oo ilaa iyo hadda la baafinayo magacyadooda si loogu celiyo amaanadaas.

Sheekh Axmed ayaa haatan waxaa looga fadhiyaa in uu la yimaado hal abuur cusub iyo dardargelin badan ee xagga maalgelinta Soomaaliya maadaama uu hadda xor u yahay ganacsigiisa, dhaqdhaqaaqiisa iyo hal abuurkiisa.

Waxaa kale oo looga fadhiyaa Sheekha inuu fikirkiisa ka ballaariyo intii hore, lana jaanqaado isbadalka cusub ee Soomaaliya iyo kan caalamkaba. Runtii, waxaa cad in culeys baaxad weyn leh oo hore aan u saarnayn in uu haatan Sheekha saaranyahay, lana eegayo sida uu culeyskaas u maareeyo.

Xayiraadda oo dhaawacday maalkii iyo magacii Sheekha ayaa xaq u leh in magdhaw laga siiyo dhibaatadii loo geystay. Balse xaalka ayaa ah ciddii loo dacwoon lahaa waa tan xaq darrada ku haysatay muddadaas dheer.

Sheekha oo markii xayiraadda laga qaaday la hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumaddiisa kaalintii ay ka geysteen in xayiraadda laga qaado.

Gebgebadii, Sheekha oo kamid ah dadka soo nooleeyay wax wada qabsigii dadka Soomaaliyeed xilli ay dadka kala irdhoobeen ayaa laga sugayaa inuu ka qeyb qaato dib usoo nooleynta dowladnimada Soomaaliya oo ganacsatada kaalintooda aysan wali si dhab ah uga muuqan.