Xeryaha Dhadhaab: Xabsi Dusha Ka Furan

328

Mar kasta oo dalka Kenya uu ka dhaco weerar uu dhiig ku daato, ha sheegato Al-Shabaab ama yaanay sheegan, madaxda dowladda Kenya waxaa ka soo yeera erayo lid ku ah dadka Soomaalida ah ee dalkaas ku nool, gaar ahaan qaxootiga. Waxay jeediyaan eedeymo aan caddeymo loo cuskaday lahayn, waxayna ku dhawaaqaan go’aamo ciriiri gelinaya nolosha qaxootiga oo ay ku muujinayaan inay dadkooda difaacayaan si kasta oo ay taas sharciga u jebineyso ama ay u xanuunjineyso dad kale oo rayid ah.

Waxay sheegaan inay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari Kenya gabbaad u noqdeen Al-Shabaab, oo ay ka qoroto dhallinyarada, oo tababarro ay ku bixiso, isla markaana ay ka abaabusho weerarrada ay ka geysato gudaha Kenya.

Weli sharciga lama hor keenin inta ay warbaahintu ogtahay qof ka mid ah qaxootiga Soomaalida ah oo loo soo qabtay falal argagixiso ama weerarradii hore lala xiriiriyay. Balse dad u dhashay Kenya oo Soomaali iyo qowmiyado kaleba leh ayaa lagu eedeeyay inay ku biireen Al-Shabaab.

“Inta aan ognahay, ma jiraan wax caddeymo ah noocii ay doonaan ha noqdaane oo muujinaya inay xeryaha qaxootiga tababarro ku qaadato argagixisada” ayuu yiri Afhayeenka UNHCR ee Kenya, Emmanuel Nyabera.

Qaxootiga waxay ka daaleen dhago-hadal iyo erayo lagu durayo oo bah-dilaad ku ah dadnimadooda iyo sharaftooda, erayadaas oo ku soo jeedin kara shacabka careysan ee Kenya, ugana dhigi kara cadow ku dhex nool. Waa run muddo afar iyo labaatan sano ah ayaa la martigeliyay oo la siiyay meel ay si nabad ah ugu noolaadaan oo ay carruurtooda ka helaan waxbarasho bilaash ah, laakiin taas gar uma siineyso dowladda Kenya mar kasta oo ay culeys amni la kulanto inay qaxootiga eedeyso, kuna khasabto inay dalkeeda ka baxaan.

Xabsi dusha ka furan!

Xeryaha waxay dadka qaxootiga ah uga dhigan yihiin xabsi dusha ka furan. Way ka oodan yihiin Kenya inteeda kale, xitaa degmooyinka gobolka Waqooyi-bari. Dowladda waxay saartaa cadaadis dheeraad ah, kumana sii jirto xilligaan oo faragelinta ciidan ee Kenya ay ku sameysay Soomaaliya ay sii xumeysay isdhexgalka labada bulsho.

Dhadhaab - Brendan Bannon UNHCR

Carruurtii ku dhalatay xeryaha iyo kuwii la keenay iyagoo da’yar waxbarasho ayay heleen, waxayna qaar ka baxeen jaamacado. Mustaqbal iftiimaya ayaa u muuqda. Laakiin ma heystaan xornimo ay ku dhaqdhaqaaqaan. Shaqooyin ama waxbarasho ka sarreysa heerkooda uma raadsan karaan xeryaha bannaankooda, waxaana lagu khasbaa inay Soomaaliya ku noqdaan – dalkii ay dagaallada uga soo qaxeen oo weli aan isbeddel weyn oo dhinaca amniga ah sameyn, iskaba daa fursado shaqo iyo waxbarasho.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa 11-kii Abriil mar uu hadal jeediyay wuxuu yiri: “UNHCR waxaan ka dalbannay inay qaxootiga Dhadhaab muddo saddex bil ah ku rarto, kuna celiso Soomaaliya. Haddii kale annaga ayaa basas iyo looriyo ku geyn doonna dalkooda.”

Hadalkaas wuxuu dabo socday weerar labadii bishii Abriil lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa oo ay sheegatay Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay 148 qof oo arday u badan. Dhadhaab waxay gaarisa u jirtaa 100km.

Ruto wuxuu yiri: “Sidii uu Mareykanku isu beddelay wixii ka dambeeyay weerarkii 11-kii September ayay Kenya isu beddeli doontaa weerarkii Gaarisa kaddib.”

Degmada Dhadhaab waxay u dhowdahay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. 1991-kii markii ay billowdeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ayaa laga aasaasay xeryaha qaxootiga, waxaana ku nool 350 kun oo qof sida ay xaqiijisay UNHCR.

Kulan ay Talaadadii (21-kii Abriil) Nayroobi ku yeesheen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo UNHCR waxaa lagu heshiiyay in la dhiso guddi 12 xubin ka kooban oo ka shaqeeya dardargelinta heshiis saddex-geesood ah oo labo sano ka hor la saxiixay oo dhigayay in aan qaxootiga lagu khasbin ku noqoshada Soomaaliya.

Qaxooti -  Sipa Press-Rex Features

Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay inkastoo la-dagaallanka argagixisada uu wax weyn ka beddelay dareenkii isjeceylka bini’aadamka, inay haddana lama huraan tahay in dowladaha iyo dadka adduunka ay yeeshaan dulqaad iyo awood ay ku kala saaraan dambiilaha iyo dulmanaha.

Maxaa ka dhalanaya khasabka?

Afhayeenka UNHCR ee arrimaha qaxootiga, Karin de Gruijl ayaa 14-kii Abriil weriyeyaasha ugu sheegtay Geneva in qeybo badan oo Soomaaliya ah, gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta aanay suurtagal ahayn in dib loogu celiyo qaxootiga, waxayna hay’addu ka dalbatay dowladda Kenya inay ka noqoto go’aankeeda oo sababi kara cawaaqib xun oo bini’aadannimo.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International waxay tiri “haddii qaxootiga dib loogu celiyo Soomaaliya waxay halis ugu jiraan tacaddiyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah; sida dil, kufsi iyo boob.”

Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika ayaa Xaqiiqa Times u sheegay in dib-u-celinta qaxootiga ay sababi karto; dadka marka khasab lagu geeyo dhinaca kale oo ay la kulmaan dhibaatooyin iyo shaqo la’aan inay iyagoo careysan ku biiraan Al-Shabaab iyo in hal meel la isugu geeyo dadka oo markoodii hore ka kala yimid gobollo kala duwan, taas oo keeni karta in amnigii la doonayay uusan haba yaraatee suurtagelin.

Njonjo Mue oo u hadlay Isu-tagga Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Kenyaanka Nabadda, Runta iyo Caddaaladda ayaa mar uu ka hadlay celinta qaxootiga wuxuu yiri “waxaan Al-Shabaab ku wareejineynaa 200 oo kun oo dhallinyaro ah oo baahi badan qaba, kuwaas oo aan heli doonin wax kale oo ay sameeyaan.”

Muxyadiin Axmed Rooble oo ka tirsan Machadka Cilmi-baarista ee Jamestown Foundation wuxuu qabaa in aanay hubaal ahayn rarista qaxootiga in ay xal kama dambeys ah u noqoneyso dhibaatada amni ee haysata Kenya, wuxuu yiri: “Kenya waxay faa’iido dhaqaale ka heshaa qaxootiga iyo Soomaalida kale ee dalkeeda ku nool, oo qaar ay maalgashadeen, kana abuurteen ganacsiyo.”

“Hay’adaha arrimaha qaxootiga iyo gargaarka ka shaqeeya waxay deggan yihiin Kenya si ay ugu dhawaadaan qaxootiga. Waxay shaqaaleeyeen dad badan oo Kenyan ah. Haddii qaxootiga la raro waxaa dhici karta inay hay’ado dhowr ah dalka ka guuraan, taas waxay shaqo la’aan dhigi kartaa dad badan.” ayuu yiri Muxyadiin oo la hadlay Xaqiiqa Times.

Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad wuxuu aaminsan yahay in rarista qaxootiga aanay waxba ka beddeleyn amniga Kenya oo uu ku tilmaamay dal laga ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.

Dhadhaab - Sipa Press-Rex Features

Khaliif Cali Sokor oo ka mid ah dadka ku nool xeryaha ayaa Al-Jazeera u sheegay in aanay suuragal u ahayn inay dib ugu noqdaan Soomaaliya oo xitaa madaxda sare ee dowladda aanay nabadgelyo ku haysan, ayna ku khasban yihiin inay taankiyada ciidanka nabad-ilaalinta weheshadaan mararka ay socdaan.

Ololaha ka dhanka ah qaxootiga waxaa hor boodaya siyaasiyiin uu asalkoodu Soomaali yahay oo xilal ka haya dowladda Kenya iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare, inkastoo xildhibaannada qaar ay ka soo horjeedaan.

Si kastaba ha ahaatee, haddii lagu dhaqaaqo waxay tallaabadaas burinaysaa heshiiskii saddex-geesood ahaa oo dhigayay in aan khasab lagu celin qaxootiga, balse la caawiyo ciddii iskeed u go’aansata inay noqoto.

Heshiiskaas kaddib, dad ka badan 50 kun oo qof oo ka tagay Dhadhaab ayaa dib ugu noqday Soomaaliya. Waxaa sanadkan la rajeynayaa 10 kun oo qof oo kale inay si iskood ah dib ugu noqdaan, sida uu xaqiijiyay Nyabera.

Go’aankaas wuxuu sidoo kale jebinayaa heshiiska caalamiga ah ee qaxootiga oo dhigaya in aanu waddanna ku khasbi karin qof soo magan-galay inuu dib ugu noqdo dal ay noloshiisa halis ku gali karto, kaas oo ay Kenya saxiixday 1966.

Dowladda Soomaaliya ayuu waajib ka saaran yahay inay la timaado qorshe cad oo ay ama Kenya ku qancineyso si aan qaxootiga loo raafin ama ay dadkeeda ugu diyaarineyso jewi nabad ah, adeegyada aasaasiga u ah nolosha, daryeel caafimaad iyo shaqooyin si ay qaxootiga u soo noqdaan.

Cabdiraxmaan Taysiir